Goobo ka tirsan Gariigga oo albaabada la isugu dhuftay kuleyl dartii.

0
10

Jowhar – ( Radio Isnaay )  -Mas’uuliyiinta magaalada Athens ee caasimadda Gariigga ayaa xiray goobta Acropolis oo ka mid ah meelaha taariikhiga ah ee dalka Giriigga, ka dib markii heer kuleylku magaaladu uu hawada isku shareeray.

Dowladda Hoose ee Athens ayaa sheegtay in tillaabadan looga golleeyahay in looga gaashaanto halista ka dhalan karta kulaylka xad-dhaafka ah ee laga cabsi qabo in uu saameeyo dalxiiseyaasha booqanaya goobaha taariikhiga ah ee magaalada.

Heerkulka Acropolis ayaa talaadadii kor u dhaafay 38°C qiyaasta herkulbeegga Celsius, taas oo kalliftay in digniin la soo saaro. Heerka kulaylka ayaa la filayaa in uu sare u sii kaco, waxaana la saadaalinayaa in Arabacada iyo Khamiista hirarka hanfigu gaaro 40-42°C, gaar ahaan dhanka koonfureed ee dalka.

Digniintan ayaa imaaneysa tiiyoo ay dabab ka holcayaan qaybo kala duwan oo ka tirsan Gariigga, ku waas oo saabtay dhulal ballaaran oo dhaca galbeedka iyo koonfurta qaaradda Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here