Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Beeraley gobolkan shabellaha dhexe, gaar ahaan Tuulada Kulundi ayaa xilligan ka cabanaya dhibaatooyin ka haysta xayawaanno cuna ama waxyeeleeya dalagyada ay beertaan. Beerahan oo ay ku yaallaan dalagyo badan oo khudaar, galley, iyo miraha kale la beerto ah ayaa waxaa xilliyada habeenkii cuna xayawaano, kuwaasi oo qaarkood ka dhashay fatahaadii dhawaan ku dhufutay deegaanadan hoosyimaada Jowhar.
waxaa soo jeedinaya : – Nuur Maxamed.