Manchester United Oo Hoggaamineysa Loollanka Gyökeres Iyadoo Qorshihii Arsenal Ee Xiddiga Uu Fashil Ku Dhow Yahay

0
28

Jowhar – ( Radio Isnaay ) –Sida uu ku warramayo wargeyska The Mirror, kooxda Manchester United ayaa haatan u muuqata mid ku dhow saxiixa weeraryahanka Viktor Gyökeres xagaagan, maadaama ay wadahadalladii Arsenal ay istaageen oo aysan horumar muuqda sameyn.

Weeraryahanka Sporting CP ayaa hore u muujiyay rabitaankiisa ah inuu u wareego koox ka ciyaarta Champions League, iyadoo Arsenal ay ahayd doorashadiisa koowaad. Si kastaba ha ahaatee, Gyökeres wuu ogyahay in Benjamin Šeško (RB Leipzig) uu yahay bartilmaameedka koowaad ee Arsenal.

Gyökeres, oo u dhashay dalka Sweden, ma doonayo inuu u wareego kooxaha Sacuudiga, halka kooxaha kale ee Yurub midkoodna aysan dooneyn ama aysan awoodin inay la wareegaan.

Sidaa darteed, Manchester United ayaa laga yaabaa inay noqoto ikhtiyaarka kaliya ee suurtagalka ah ee uu haysto Gyökeres, kaasoo u sheegay kooxda Sporting inuusan dib ugu ciyaari doonin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here