Mareykanka oo dhaqaale ugu deeqaya hay’ad gargaar oo ka howlgasha Gaza

0
39

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maraykanka ayaa sodon milyan oo dollar oo dhaqaale ah siin doona Hay’adda Gargaarka ee Gaza, oo ah hay’ad lagu muransan yahay oo ay taageeraan Maraykanka iyo Israa’iil.

Hay’adda ayaa lagu wadaa inay gargaar gaarsiiso dadka reer Qasa.

Waa deeqdii ugu horreysay ee Maraykanku si toos ah u siiyo hay’adda.

GHF oo ay taageerayaan qandaraasleyaal Maraykan ah iyo ciidamada Israa’iil ah, ayaa ka shaqaynaysay marinka laga soo bilaabo dhammaadkii bishii May, ka dib kow iyo toban toddobaad oo ay Israa’iil xannibtay gargaarka.

Talaadadii, Qaramada Midoobay waxay sheegtay in in ka badan afar boqol oo falastiiniyiin ah ay dileen millatariga Israa’iil toddobaadyadii la soo dhaafay, xilli ay isku dayayeen inay cunto ka soo qaataan goobihii lagu qaybinayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here