Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Saacado ka dib markii ay diyaardda Air Force One ay duusha, Donald Trump, madaxweynaha Mareykanka ayaa soo dhegay qoraal cusub bartiisa Truth, isagoo ku adkeysanaya in “xabbad joojintu ay dhaqan galayso”.
Trump ayaa qoray: “Israa’iil ma weerari doonto Iiran, dhammaan diyaaradaha waxa ay kusoo laaban doonaan wadankooda, iyagoo u gacan taagaya oo macasalaameynaya Iiraan.
“Qofna ma dhaawacmi doono, xabbad-joojintu waa hirgashay! Waad ku mahadsan tahay dareenkaaga arrintan!”