Miyay Liverpool La Soo Saxiixan Kartaa Alexander Isak

0
31

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wargeys ka soo baxa Ingiriiska ayaa lagu sheegay in kooxda Liverpool ay weli xiiseyneyso saxiixa weeraryahanka reer Sweden iyo kooxda Newcastle United Alexander Isak suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

The Times ayaa sheegtay in Liverpool ay wali haysato muruqa dhaqaale si ay u tijaabiso go’aanka Newcastle United ee ah inay sii haysato weeraryahanka, inkastoo Reds ay lacag badan ku qarashgareysay saxiixyada cusub xagaagan.

Ilaha ayaa tilmaamaya in Newcastle ay ka walaacsan tahay suurtogalnimada in Liverpool ay dalab rasmi ah u soo gudbiso ciyaaryahanka horaanta bisha soo socota, gaar ahaan marka la eego rabitaanka Reds ee ah inay ku xoojiso weerarkeeda.

Weeraryahanka reer Sweden ayaa ka mid ah weeraryahanada ugu caansan horyaalka Ingiriiska iyo Yurub, waxaana uu si toos ah uga qeyb qaatay natiijooyinkii Newcastle gudaha iyo Yurub, taasoo ka dhigtay inuu bartilmaameed u noqdo dhowr kooxood oo waaweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here