Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sida ku cad wakhtiga uu Trump, xabad joojinta la soo jeediyay waxay bilaaban lahayd xiligan la joogo.
Qoraal uu Trump soo dhigay bartiisa Truth Social, ayuu ku shaaciyay in xabbad joojinta u dhaxaysa Iran iyo Israa’iil lagu wado inay bilaabato “ku dhawaad 6 saacadood” laga bilaabo markii uu ku dhawaaqay xabad joojintaas, goor sii horreysay oo wakhtiga Mareykanka ah, wakhtigaas oo haatanba la dhaafay.
“Waxa si buuxda loogu heshiiyey heshiis xabad joojin ah oo u dhaxeeya Israa’iil iyo Iran,” ayuu Trump ku yiri qoraalkiisa.
Ha yeeshee Israa’iil si cad uma aqbalin xabad joojinta la soo jeediyay, Iraanna way beenisay inay ogolaatay wax xabad joojin ah