Dowladda Ingiriiska oo ku dhawaaqday in shaqaalaheeda ay kala baxyeso Iran.

0
34

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay shaqaalaheeda kala baxayso safaaradda ay ku leedahay Tehran, iyada oo sabab uga dhigtay xaaladda amni ee haatan jirta.

“Waxaan qaadnay tallaabo taxaddar ah oo aan si ku-meel-gaar ah uga saarno shaqaalaha UK ee ku sugan Iran,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK.

“Safaaradda weli way shaqeyneysaa”. ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Horraantii toddobaadkan, UK waxay sidoo kale sheegtay inay si ku-meel-gaar ah uga saarayso xubnaha qoysaska shaqaalaha safaaradda iyo qunsuliyadda ay ku leedahay Israa’iil, sababo la xiriira walaaca amniga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here