Kooxaha Real Madrid Iyo Al-Hilal Oo Isku Dhaafi Waayay Kulan Ka Tirsanaa Koobka Kooxaha Adduunka

0
16

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Al-Hilal ayaa barbaro 1-1 ah ku qabtay kooxda Real Madrid wareegii kowaad ee wareega Group-yada koobka kooxaha aduunka ee ka dhacay garoonka Hard Rock Stadium.

Real Madrid ayaa goolka la hor martay,waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Gonzalo Garcia,kadib weerar rogaal celis ah oo deg deg ah,waxana uu Rodrygo uu kubad ka soo karoosay dhanka midig uu u dhaliyay Garcia daqiiqadii 34-aad.

Daqiiqadii 41 aad garsooraha ayaa rigoore ku abaal mariyay Al Hilal ka dib qalad uu Raúl Asensio uu khalad ku galay xiddig Al-Hilal ah.

Ciyaaryahan Rubén Neves ayaa gool u badalay rigoore loo dhigay,waxana uu u dhaliyay goolka barbaraha Al Hilal.

Real Madrid ayaan soo bandhigin qaabkii la filayay 90-kii daqiiqo ee lagu guda jiray, iyadoo ciyaartoyda ay ka muuqatay daal aad u daran cimilada awgeed, halka Al Hilaal ay dhanka wanaagsan ahaayeen, gaar ahaan qeybta hore ee ciyaarta.

Daqiiqadii 90 aad garsooraha ayaa rigoore ku abaal mariyay Real Madrid ka dib markii Al-Qahtani uu qalad ku galay Garcia, ka dib markii dib loogu laabtay VAR.

Xiddiga Valverde ayaa u istaagay rikoodhada laakiin waxa si cajiib ah u badbaadiyay Goolhayaha kooxda Al-Hilal ee Yassine Bounou.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here