Trump oo dadka ku nool Tehran ugu baaqay inay degdeg uga baxaan Iran.

0
48

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dad aad u badan ayaa isku dayaya inay ka qaxaan Tehran, balse jidadka ayaa weli si aad ah u ciriir ah, sidii ay ahayd maalmahii ugu dambeeyay.

Markii hore, Benjamin Netanyahu ayaa shalay dadkii ku noolaa qaybo ka mid ah Tehran ugu baaqay inay ka baxaan, kaddibna madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xalay sheegay in “qof walba” uu si degdeg ah uga baxo caasimadda.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump fariintiisa uu ku sheegay in dadka ku nool Tehran ay si degdeg ah uga baxaan waxa ay ujeedadeedu tahay in lagu muujiyo farriin ah in Iran ay tahay inay si dhaqso ah miiska wadahadalka u timaado, sida uu ilo ka tirsan Aqalka Cad u sheegay warbaahinta CNN ee Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here