Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga ee Soomaaliya, Amb. Pier Mario Daccò Coppi. Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta hay’adaha shaqada ee dalka iyo horumarinta fursadaha shaqo ee Soomaaliya.
Waxaa SooJeedinaya:- Cabdiwali Tima Cadde.