Sicirka shidaalka dunida oo sare u kacay

0
13

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qiimaha shidaalka ee suuqyada dunida ayaa mar qura sare u kacay ka dib markii Isra’il weerar kedis ah ku qaadday dalka Iran, cabsi laga qabo qalalaase ka curta gobolka Bariga Dhexe oo ka mid ah meelaha shidaalka ugu badan laga dhoofiyo.

Suuqyada shidaalka ee kala ah, Brent Crude iyo Nymex light sweet ayaa markii uu soo baxay warka la xiriira xiisadda ka dhex qaraxday Iran iyo Isra’il durbadiiba kor u kacay 10%.

Ganacsatada saliidda ayaa walaac ka muujiyey colaadda Bariga Dhexe oo ay sheegeen in uu hubanti la’aan ku ridey isksocodka shidaalka oo laga cabsi qabo in uu gabaabsi ku yimaado, maadaama gobolkani laf-dhabar u yahay tamarta adduunka.

Dadka suuqyada tamarta indho-indheeya ayaa aaminsan in dagaal xilligan ka qarxa bariga dhexe laga deemi doono dunida oo dhan, islamarkaana uu saameyn taban ku yeelan doono dhaqaalaha caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here