Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Bayern Munich Max Eberl ayaa shaaca ka qaaday in Liverpool ay dhinaca kaga lacagta kaga adkaatay Bayern Munich tartankii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga Florian Wirtz.
Xiddiga kooxda Leverkusen ayaa noqonaya xiddiga ugu qaalisan suuqa kala iibsiga isaga oo lacag rikoodh ah ugu biiraya Reds.
Wirtz, oo ku lug lahaa 22 gool oo Bundesliga ah xilli ciyaareedkii hore ayaa ahaa xiddig aad loo raadinayo iyada oo kooxo badan ku tartamayeen saxiixiisa.
Kooxaha Bayern Munich, Man city iyo Liverpool ayaa si weyn ugu tartamay saxiixa xiddiga.
Eberl ayaa haatan qirtay in Bayern ay si fudud ula qabsan kari wayday xamaasadda dhaqaale ee kooxda difaacanaysa Premier League inkasta oo ay si heer sare ah u qiimeeyeen xiddiga.
“Haddii aan daacad ka hadlo, ma aqaano haddii aan bixin lahayn waxa ay Liverpool hadda bixinayso,” Eberl ayaa sidaas yidhi, isagoo la hadlaya Sky Germany.