Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea ayaa aragtay dalabkii labaad oo ahaa 50 milyan oo euro oo u dhiganta (£42.2m) oo ay ku doonaysay Jamie Gittens oo ay soo diiday Borussia Dortmund, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Germany.
Kooxda Enzo Maresca ayaa isha ku haysa in ay xoojiso ka hor ololaha koobka kooxaha adduunka xagaagan waxana ay dhamaystirtay heshiis 30 milyan ginni ah oo ay Liam Delap kaga soo qaadatay Ipswich Town todobaadkii hore.
Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa tartan kula jirta waqtiga iyadoo suuqa kala iibsiga uu xirmi doono 9pm caawa.
Chelsea ayaa ku guuldareysatay inay AC Milan heshiis kala gaadho Goolhaye Mike Maignan, iyadoo kooxda ka dhisan Serie A ay ugu yaraan 20 milyan ku dooneyso goolhayaha reer France.
Dhanka kale, Chelsea ayaa sidoo kale awoodi wayday inay horumar ka gaadho wada xaajoodkii ay Dortmund kula jirtay kuna doonayso saxiixa Gittens.
Sida laga soo xigtay Sky Germany, Chelsea ayaa dalab cusub oo 50 milyan una dhiganta 42.2m u dirtay Dortmund si ay u hesho saxiixa xiddiga laakiin waxa isla markiiba diiday kooxda Dortmund.
Waxa la sheegaya in heshiiska shaqsiga in aanu dhib ku ahayn Chelsea iyada oo xiddiga haatanba la ogolaatay heshiis 7 sano ah.