Nin si khaldan looga tarxiilay Mareykanka oo dib loogu celiyay.

0
17

Jowhar – ( Radio Isnaay ) Kilmar Abrego Garcia oo 29 jir ah oo ka soo jeeda EL Salvador, kaasoo si khalad ah loo tarxiilay bishii Maarso, ayaa dib loogu celiyay Maraykanka si uu u wajaho dacwado loo haysto oo ay ka mid yihiin laba dacwadood oo heer federaal ah.

Waxaa lagu eedeeyay in uu ka qayb qaatay qorshe tahriibin ah oo socday dhowr sano oo la doonayay in muhaajiriinta aan sharciga haysan looga raro Texas loona geeyo meelo kale oo Maraykanka ah.

El Salvador ayaa ogolaatay in la sii daayo Ábrego García ka dib markii Maraykanku u soo bandhigay waaran qabasho, ayay tiri xeer ilaaliyaha guud Pam Bondi, Jimcihii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here