Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ka fekeraya inuu ika iibiyo gaadhigiisa Tesla, sida uu werinayo CBS News iyadoo la xiganayo sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad.
Warbixintu waxay sheegtay in gaarigaas cas, oo uu iibsaday xilli uu isku dayayay inuu ka caawiyo Elon Musk suuq-geynta shirkaddiisa, uu toddobaadyadii la soo dhaafay ku xareysnaa Aqalka Cad.
Donald Trump ayaa maanta la hadlay warbaahinno kala duwan oo Maraykan ah, iyadoo dhowr warbaahin ay sheegayaan in madaxweynuhu uusan hadda qorsheynin inuu la hadlo Elon Musk.
Elon Musk — oo si degdeg ah uga falceliyay hadalladii Trump xalay, weli kama uusan jawaabin hadallada cusub ee madaxweynuhu maanta jeediyay.
Xalay waxaa baraha bulshada ka dhacay wax-isdhaafsi degdeg ah oo u dhexeeyay labada nin. Si kastaba, ciiwaannada baraha bulshada ee Musk ilaa hadda waa aamusanyahiin.