Luka Modric Oo Ku Dhaw Koox Ka Ciyaarta Horyaalka Talyaaniga.

0
9

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Saxafiga lagu kalsoon yahay ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Luka Modric laga doonayo horyaalka Italy.

Romano ayaa ku sheegay akoonkiisa X in AC Milan ay xiisaynayso inay hesho adeega xiddiga reer Croatia xagaagan.

Ilaha ayaa intaa ku daray in Milan ay wadahadalo gudaha ah ka yeelatay xiddiga Modric, kooxda ayaana muujisay rabitaankeeda ku aadan saxiixiisa.

Modric ayaa ka tagaya kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedka marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Real Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here