In ka badan 200 oo maxbuus oo ka baxsaday xabsi ku yaalla Pakistan.

0
74

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – In ka badan 200 oo maxbuus ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla magaalada ugu weyn Pakistan ee Karachi kaddib dhul gariir saacadihii hore ee Talaadada uu ka dhacay halkaas, sida ay booliisku sheegeen.

Kumanaan maxaabiis ah ayaa jabiyay albaabada iyo qufullada qolkooda iyo daaqadaha ka dib markii ay dareemeen gariir gilgilay darbiyada xabsiga Malir ee Karachi.

Dadka xabsiga ka baxsaday, ayaa boolisku sheegay in 80 maxbuus dib loo soo qabtay, waxaana weli socda baadigoobka in ka badan 130 qof.

Hal maxbuus ayaa ku dhintay howlgalka, waxaana ku dhaawacmay labo askari oo ka tirsan ciidanka Asluubta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here