Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa noqday mas’uulkii ugu dambeeyay ee ku baaqaya in baaritaan lagu sameeyo saddex dhacdo oo khasaare nafeed geystay oo kala duwan kuwaas oo ka dhacay meel u dhow xarumaha uu Maraykanku taageero ee qaybinta gargaarka ee Gaza.
Wasaaradda caafimaadka ee dhulka ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in ugu yaraan toddobo iyo labaatan qof lagu dilay dhacdadii ugu dambeysay ee Talaadadii. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadoodu ay rasaas ku fureen koox ka leexatay waddadii loo asteeyay inay galaan oo ay iska dhega tireen rasaas digniin ah.