Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maxkamad ku taalla dalka Koonfur Afrika ayaa xukun xabsi da’im ah ku ridday haweeney lagu magacaabo Racquel “Kelly” Smith, ka dib markii lagu helay dambiga ah inay iibisay gabadheeda yar oo lix sano jir ahayd.
Sidoo kale, laba qof oo lagu kala magacaabo Jacquen Appollis iyo Steveno van Rhyn ayaa iyaguna lagu xukumay door ay ku lahaayeen falkaasi.
Xukunka ayaa yimid muddo hal sano ah kadib markii la waayey gabadha yarta ah ee Joshlin Smith, taasoo markii ugu dambeysay lagu arkay guriga qoyskooda ee ku yaalla meel u dhow magaalada Cape Town.
Dacwad-oogeyaasha ayaa sheegay in gabadha yar laga iibiyay dad la tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin ganacsiga dadka.