Jowhar – ( Radio Isnaay ) -Maalintan waxaa si gaar ah diiradda loo saaraa wacyigelinta bulshada si ay uga fogaadaan isticmaalka tubaakada, loogana hortago dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha.
Maalinta Caalamiga ah ee Ka-hortagga Tubaakada waxaa la aas-aasay sanadkii 1987, iyadoo WHO ay doonaysay in la xoojiyo dadaallada lagula dagaallamayo cudurrada ay sababo tubaakadu sida kansarka, xanuunnada wadnaha, iyo neef-qabatin joogto ah.