Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Macalin Sahro waa hooyo Soomaaliyeed oo si naxariis iyo naftu-hurid leh ugu dadaashay baridda Qur’aanka Kariimka, iyadoo muddo 5 sano ah si bilaash ah u dhigtay dugsi Qur’aan oo ay ku leedahay magaalada Jowhar. Waxay tusaale u tahay dadaalka haweenka Soomaaliyeed ee u taagan horumarinta diinta, bulshada, iyo mustaqbalka carruurta.
waxaa soo jeedineysa : – Sahro Cabdi.