Maalqabeenka Elon Musk oo ka tegaya shaqadii uu Trump u magacaabay

0
64

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Bilyaneerka Elon Musk ayaa bartiisa bulshada ee X ee hore oo oran jiray Twitter kaga dhawaaqay in uu ka tagayo shaqadii uu u magacaabay Donald Trump, oo ah xubinamada guddiga kharashka dhimista ee madaxweynaha.

Musk ayaa sheegay in waqtigii loo qorsheeyay ee ahaa in uu ahaa shaqaale dowladeed oo gaar ah uu dhamaaday, waxaana uu uga mahadceliyay Trump fursada uu siiyay.

Waxaa uu gacan weyn ka geystay olole ballaaran oo lagu dhimayo baaxadda tirada shaqaalaha ee dowladda Mareykanka sla markaana kumanaan ka tirsan shaqaalaha dowladda shaqada laga ceyriyay.

Tehistiisa ma aha mid lama filaan ah, waxayna ku soo beegantay maalin un ka dib markii uu Elon dhaleeceeyay gundhigga sharci dejinta ee agendaha Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here