Doomo ku qallibatay Kenya iyo howlgal samatabixin oo socda.

0
6

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Howlgallo samatabixin ah ayaa laga sameeyay ismaamullada Kilifi iyo Lamu ee gobolka Xeebta, dalka Kenya kadib markii saddex doonyood ay ku rogmadeen meelo kala duwan.

Bayaan ay soo saartay hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya, ayay ku xaqiijisay dhacdadan, iyadoo Labo ka mid ah saddexda doon lagu waayay Kilifi.

Bayaanka, Laanqeyrta Cas ee Kenya waxay ku faahfaahisay in kooxdeeda ay ku dhiirratay xaalad adag oo dhanka badda ah si ay u badbaadiyaan dhowr qof oo la socday doonyaha markii ay degeen.

Si kastaba ha ahaatee, ma aysan shaacin tirada dadka la soo badbaadiyay iyo kuwa weli maqan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here