Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Man United ayaa lagu qasbayaa in ay ku laabato qorshaha 3-aad ee suuqa kadib markii ay guuldaro kala kulankii final Europa League.
Red Devils ayaa guuldarro 1-0 ah ka soo gaartay Tottenham Arbacadii magaalada Bilbao, taasoo la micno ah inaysan ciyaari doonin ciyaaraha Yurub xilli ciyaareedka soo socda.
Iyadoo ku guuldareysatay inay boos ka hesho Champions League ka hor ololaha 2025-26, United ayaa la filayaa inay weyso dakhli ku dhow 100 milyan oo Euro.
Arintan ayaa la macno ah in ayna soo jiidan karin ama ayna la soo saxiixan karin bartilmaameedyadooda 1-aad.
Weeraryahanka Sporting Lisbon Viktor Gyokeres, xiddiga RB Leipzig Benjamin Sesko iyo weeraryahanka Ipswich Town Liam Delap ayaa haatan la fahamsan yahay inay yihiin kuwa ugu sarreeya liiska suuqa kala iibsiga ee Man Utd.