Jowhar – ( Radio Isnaay ) – -Kooxda Tottenham ayaa ku guulaysatay Europa League iyaga oo garaacay kooxda Man United.
Kulanka ayaa ahaa mid hal dhinac ah oo ay Man United gacan saraysay.
Tottenham ayaa daqiiqadii 42-aad dhalisay Goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Johnson kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Wixii intaas ka dambeeyay Man United ayaa ahayd kooxda fiican iyaga oo wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen goolka bar-baraha.
Laakiin Tottenham ayaa si waali ah u difaacatay iyaga oo United u diiday in ay xitaa u dhawaadaan goolkooda.
Waxa sidaaa ku dhamaatay ciyaarta oo ay Tottenham ku guulaysatay Europa league.