Talyaaniga oo wax ka beddelaya xeerarka lagu qaato dhalashada wadankaas.

0
5

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Baarlamaanka dalka Talyaaniga ayaa ansixiyay sharci wax ka beddelaya xeerarka lagu helo dhalashada wadankaas.

Sharciganwaxaa soo jeediyay xisbiga midigta fog ee ay hogaamiso raysal wasaaraha dalkaas, Giogia Meloni bishii Maarso.

Waxaa uu qaadashada dhalashada dalkaas ku koobayaa sharcigan dadka mid kamid ah waalidiintiisu yihiin Talyaani, kuwaas oo sidoo ku hadli kara luuqadda afka Talyaaniga islamarkaana degganaa Talyaaniga muddo saddex sano ah.

Dowladda ayaa sheegtay in isbedelan uu yimid ka dib markii ay kordheen qulqulka muhaajiriinta dalkaas iyo sidoo kale dalabyo badan oo ugu imanaya meelo kale sida Mareykanka iyo Latin America.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here