Caruur laga cabsi qabo in ay gaajo ugu dhintan Qasa.

0
5

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – In ka badan 14,000 oo carruur ah ayaa laga cabsi qaba inay gaajo ugu dhintan magaalada Qasa kadib markii in muddo ah uusan gargaar gaarin halkaasi.

Tom Fletcher oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in shan baabuur oo gargaar ah ay galeen Qasa Isniintii, laakiin wuxuu ku celceliyay in gargaarkaas kooban uu la mid yahay “dhibic biyo ah oo badweyn ku dhacday”.

Wuxuu sheegay in inkastoo gawaarida xamuulka ah ay u gudbeen oo ay galeen gudaha Qasa, hadana ay ku sugan yihiin dhanka kale ee xuduudka, oo aysan wali gaarin dadka.
Fletcher waxa uu sheegay in saadka saaran baabuurta xamuulka ay yihiin “cuntada carruurta iyo nafaqada”.

Wuxuu cabsi ka muujiyay in 14,000 oo carruur ah ay dhiman karaan 48-da saacadood ee soo aaddan haddii gargaarku aanu gaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here