Jowhar – ( Radio Isnaay ) –Qoyska Soomaaliyeed wuxuu leeyahay taariikh dheer oo ku saleysan wadajir, isku
xirnaan, iyo tixgelin dhaqameed. Qoyska ayaa ahaa meesha lagu baran jiray
akhlaaqda, diin, iyo dhaqanka suuban. Si kastaba ha ahaatee, sanadihii la soo dhaafay,
qoysaska qaar ayaa wajahaya caqabado la xiriira saboolnimo, dagaallo, kala guur
dhaqan iyo saameynta teknoolajiyadda.
Waxaa SooJeedineysa :- Sahra Cabdi Xuseen