Mareykanka oo Sacuudiga la saxiixday heshiis hub oo gaaraya $142 bilyan

0
5

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump iyo Dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa kala saxiixday heshiis dhanka difaaca ah oo dhan $142bilyan oo doolar.

Mareykanka ayaa siin doona “qalab dagaal oo casri ah” Sacuudiga, kaasoo isna $20bn ku maalgelin doona sirdoonka macmalka ah ee Mareykanka, taasoo qeyb ka ah heshiiska maanta la saxiixay.

Heshiisyada u dhaxeeya Mareykanka iyo Sacuudiga ee maanta lagu dhawaaqay waxaa ka mid ah “heshiiska iibka difaaca ee ugu weyn taariikhda”, ayuu lagu yiri bayan Aqalka Cad ka soo baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here