Jowhar – ( Radio Isnaay ) –Xiddiga reer Brazil ee Barcelona ayaa si weyn saameeyn ugu yeeshay El Clásico, isagoo laba gool dhaliyay qeybta hore taasoo ka caawisay kooxdiisa inay 4-3 uga adkaato Real Madrid, kuna qabtaan toddobo dhibcood hoggaanka La Liga.
Raphinha, oo hore ugu soo ciyaaray Sporting CP iyo Rennes, ayaa sumcaddiisa dhistay isagoo u ciyaaraya Leeds United, waxaana uu caruurnimadiisa ku barbaaray isagoo ku dayanaya halyaygii Arsenal – Thierry Henry.
Hadda oo uu 28 jir yahay, Raphinha ayaa jooga garoomadii uu ku riyoon jiray, isagoo ku raaxeystay xirfaddiisa kooxaha waaweyn.
waxaan sidoo kale xasuustaa in garoomadu mar walba buuxaan. Heesaha, qaylada. Buuqa.”
“Faahfaahinta si fiican uma xasuusto, balse waxaan u maleynayaa inaan fadhiyay baar jaban oo ku yaalla qeybta nasashada markaan ballanqaaday inaan ugu yaraan heerkiisa ku dhawaado. Maalin uun waxaan halkaas ka ciyaari doonaa.”
Raphinha ayaa uga soo dhaqaaqay Lisbon Leeds sanadkii 2020, isagoo ku biiray kooxda Marcelo Bielsa ka dib markii ay u soo dalacday Premier League.