Dalalka Pakistan iyo Hindiya oo gaaray heshiis xabad joojin ah.

0
44

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan, Ishaq Dar Xoghayaha Arimaha Dibada ee Hindiya Vikram Misri ayaa si wada jir ah u xaqiijiyay in labada dal ay gareen heshiis xabad joojin ah.

In ka badan 13 dal oo ay ku jiran Turkiga, Sacuudi Carabiya iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa qeyb ka ahaa dadaaladan xabad joojinta ee deg deg ah.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Hindiya Vikram Misri ayaa intaa kadib xaqiijiyay in Hindiya ay oggolaatay “in la joojiyo dhammaan rasaasta iyo tallaabooyinka militari ee dhulka, cirka iyo badda”. Waxa uu intaa ku daray in xabbad-joojinta ay dhaqan gashay.

Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Isxaaq Dar ayaa xaqiijiyay in dalkiisa uu aqbalay xabbad-joojinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here