Jowhar – ( Radio Isnaay )- Indho-indheeyihii hore ee Arsenal Tomasz Pasieczny ayaa shaaca ka qaaday in Gunners ay diiday fursad ay kula soo saxiixan lahayd garabka Paris Saint-Germain Khvicha Kvaratskhelia sanadka 2022.
Kvaratskhelia wuxuu soo maray akadeemiyadda Dinamo Tbilisi wuxuuna ku dhameystay ka ciyaarista heerka sare ee Russia 2019, markii hore wuxuu amaah kula joogay Lokomotiv Moscow ka hor inta uusan xagaagaas ku biirin Rubin Kazan.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Georgia ayaa ku laabtay dalkiisa ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine isagoo u saxiixay Dinamo Batumi ka hor inta uusan si dhaqso ah Napoli ugala wareegin kaliya € 13.3 milyan xagaagii 2022.
Kvaratskhelia waxa uu isla markiiba saamayn ku yeeshay Napoli waxana uu door muhiim ah ka qaatay hanashada horyaalka Seria sanadka xigay.
Suuqa kala iibsiga bishii January, Paris Saint-Germain ayaa Kvaratskheliafrom Napoli kula soo wareegtay 70 milyan 24 jirkaan ayaa markale muujiyay sababta uu u yahay mid ka mid ah garabka ugu fiican Yurub.
Laakiin arrimuhu si ka duwan ayay u dhici kareen maadaama Pasieczny uu daaha ka qaaday inuu la socday Kvaratskhelia isagoo ka wakiil ah Arsenal, laakiin qaab ciyaareed liita oo uu soo bandhigay xiddiga garabka ka ciyaara intii lagu jiray ciyaartii Rubin Kazan ayaa laga yaabaa in ay ka hor istaagtay ku biirista Arsenal.