Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maamulka garoommada diyaaradaha ee Hindiya ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay duulimaadyada madaniga ah ee 32 garoon diyaaradeed.
Garoomadan ayaa ku yaalla magaalooyinka waa weyn ee Hindiya basle lama shaacin magacyadooda.
Tani waa hakintii u sarreysay oo ay Hindiya ku joojinayso duulimaadyada maxalliga ah tan iyo intii lagu jiray iska horimaadka Pakistan.
Xiisada u dhaxeysa labadan dal ee ku hubeysan hubka Nuclear ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay cirka isku shareertay iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen diyaaradaha dagaalka.