Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maamulka madaxweyne Trump ayaa soo bandhigay barnaamij cusub oo dhiirrigelinaya muhaajiriinta aan sharciyeysnayn ee ku sugan Maraykanka in ay si iskood ah uga baxaan dalkaasi, iyadoo la siinayo lacag dhan kun Doollar iyo safar lacag la’aan ah haddii ay doortaan in ay dalka isaga tagaan.
Barnaamijkan ayaa ah mid loo isticmaalayo app-ka cusub ee loo yaqaan ‘CBP Home’ (oo hore loogu yaqaanay ‘CBP One’), kaasi oo u oggolaanaya dadka in ay muujiyaan rabitaankooda ku aaddan in ay dalka ka baxaan iyo in ay dalbadaan taageero dhanka safarrada ah, Lacagaatas ayaa la siinayaa marka ay gaadhaan dalkooda hooyo.
Xoghayaha Amniga Gudaha ee Kristi Noem ayaa sheegtay in qorshaha is tarxiil uu yahay habka ugu habboon, uguna ammaan badan, sidoo kalana ugu kharash yar ee looga baxi karo dalka Maraykanka si looga fogaado xabsiga.