Jowhar – ( Radio Isnaay )- Waxaa lagu soo warramayaa inay korortay tirada dadka ku dhintay weerarkii gantaallada oo ay Hindiya ku garaacday Pakistan.
Tirada dhimashada dada rayidka aj ayaa haatan gaartay 10 qof, sida uu BBC-da u xaqiijiyay sarkaal sare oo milatari.
Ha yeeshee afhayeenka milatariga Pakistan, Lt Gen Ahmed Sharif Chaudry, waxaa uu sheegay in 26 qof la dilay halka ku dhowaad 50 kalena ay ku dhaawacmeen weerarka.
Ugu yaraan 32 qof ayaa ku dhaawacmay weerarkaas ay Hindiya ku beegsatay dalka Pakistan iyo Kashmir, qeybta ay Pakistan maamusho.