Xiddig U Ciyaara Arsenal Oo Heshiis La Galay Koox Kale.

0
5

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Jorginho ayaa ogolaaday in uu si xor ah ugu biiro kooxda reer Brazil ee Flamengo dhamaadka xilli ciyaareedkan sida ay sheegayaan wararku.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Talyaani ayaa 78 kulan u saftay Gunners tan iyo markii uu 12 milyan uGu soo biiray kooxda sanadkii 2023.

Jorginho ayaa xagaagii hore u saxiixay heshiis kordhin hal sano ah si uu u sii joogo Emirates, laakiin mustaqbalkiisa kooxda wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan ayaan la hubin.

33 jirkaan ayaa ku soo bilowday kaliya sagaal kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, waxaana lagu soo waramayaa inuu ku dhawaaday inuu ka tago kooxda bishii January.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here