Hay’adaha gargaarka Qasa oo ka digay in ay xirmaan goobaha lagu kaydiyo cuntada

0
8

Jowhar – ( Radio Isnaay )-  Hay’adaha gargaarka ee Qasa ayaa ka digay in maalmaha soo socda ay ku qasbanaan doonaan inay xiraan xarumahooda ku haray halkaa ee lagu kaydiyo cuntada oo ay tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah ku tiirsan yihiin.

Laba bilood ayaa laga joogaa markii Israa’iil ay xannibtay dhammaan sahaydii gargaarka ee geli jirtay Qasa.

Waxaa kaloo laga digayaa in tani ay horseedi doonto macluul aan hore loo arag.

Samy Mahdi oo ka tirsan hay’adda ANIra ee gargaarka ayaa arrintan walaac ka muujisay, waxaana uu sheegay in markii hore ay karin jireen Bariis, Hilib iyo Cuntooyin kale oo nafaqo leh, balse hadda aysan jirin wax hilib ah marka laga reebo khudaarta ay Qasa la soo galeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here