Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Ukraine ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu heshiis muhiim ah oo macdanta ah la saxiixdo Mareykanka, inkasta oo aysan weli jawaab rasmi ah ka helin Washington, sida laga soo xigtay saraakiil sare.
Heshiiska qabyada ah oo ay BBC-du heshay ayaa soo jeedinaya in la sameeyo sanduuq maalgashi oo wadajir ah oo u dhexeeya dowladaha Maraykanka iyo Ukraine, si loo sahamiyo, loogana soo saaro macdanta naadirka ah ee Ukraine.
Dukumiintiyo hore loo faafiyay ay soo jeedinayeen in heshiiska ay ku jiri karaan xuquuqda uu Maraykanku u leeyahay isticmaalka kaabayaasha tamarta ee Ukraine, sida saliidda, gaaska, iyo macdanta qaaliga ah.