Qaramada Midoobay oo ku baaqday in xal waara la dhex dhigo Israa’iil iyo Falastiin.

0
37

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku booriyay dalalka xubnaha ka ah qaramada midoobay inay xaqiijiyaan xal waara oo laba dawladood ah” oo u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin ka hor shirka caalamiga ah ee la qabanayo bisha Juun.

“Waxaan ku boorrinayaa dalalka xubnaha ka ah inay ka gudbaan heshiiska, oo ay si hal-abuur leh uga fikiraan tillaabooyinka ay qaadi doonaan si loo gaaro xal macquul ah oo laba dowladood ah sida ugu dhaqsaha badan,” ayuu Guterres u sheegay shirka Golaha Ammaanka.

Faransiiska iyo Sacuudiga ayaa ka qeyb galaya kulanka ka dhacaya Qaramada Midoobay bisha Juun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here