Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxaha Arsenal Iyo Bayern Munich ayaa doonaya saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Christopher Nkunku sida ay sheegayaan wararku.
Xiddiga Christopher Nkunku ayaa Chelsea yimid isaga oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican Booskiisa laakiin waxa uu ku dhibaatooday Blues.
Xiddiga Christopher Nkunku ayaa la dhibaatooday dhaawacyo waxana uu ku dhibaatoonayaa in uu boos joogto ah ka helo kooxda xilli ciyaareedka.
Christopher Nkunku ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan si uu u soo celiyo qaab ciyaareedkii looga bartay.
Xiddiga ayaa xiiso ka helaya kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya adeegiisa si ay ugu xoojiyaan kooxdooda.