Trump oo hanjabaad u diray Hoggaamiyaasha Ruushka iyo Ukraine.

0
47

Jowhar – ( Radio Isnaay ) -Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uusan ku faraxsanayn duqaymaha Ruushka uu ka gaystay Ukraine, gaar ahaan Kyiv oo ay ku dhinteen ilaa 10 qof.

‘’Vladamir, JOOJI… aynu gaarno heshiiska nabadeed.’’ ayuu ku soo daabacay barta bulshada ee Truth.

Weerarkii ugu dambeeyay ee Ruushka waa kii ugu dhimashada badnaa ee caasimada Ukrain ka dhaca tan iyo bishii July ee sanadkii aynu soo dhaafnay.

Trump ayaa ku eedeeyay Zelensky inuu dhaawacayo wadahadalada, isaga oo aan aqoonsanayn sida uu sheegay gobolka ay Ruushku ka taliyaan ee Crimea- oo qodob ka ah dhamaynta colaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here