Jowhar – ( Radio Isnaay )- Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo jeediyay wadahadal dhexmara dalkiisa iyo Ukraine, markii ugu horreysay tan iyo markii uu dagaalka billowday. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa isna dhankiisa ku adkaysanaya in Ukraine ay diyaar u tahay wadahadal kasta oo lagu joojinayo weerarada lagu hayo dadka rayidka ah.
Labada hoggaamiye ayaa wajahaya cadaadis uga imaanaya Mareykanka oo ku hanjabay inuu joojin doono dadaalkiisa nabadeed haddii aan horumar la sameyn.
Ruushka iyo Ukraine ayaa sheegay inay diyaar u yihiin xabbad joojin dheeraad ah ka dib xabbad-joojin 30 saacadood ah oo loo sameeyay ciidda Masiixiyiinta ee Easter-ka taasoo ay ku dhawaaqday Moscow dhawaan. Dhinac walba wuxuu dhinaca kale ku eedeeyay inuu jabiyay heshiiska.