Sawir laga qaaday wiil ku dhaawacmay Qasa oo loo aqoonsaday sawirka sanadka

0
49

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sawir naxdin leh oo laga qaaday wiil reer Qasa ah kana soo kabanaya dhaawacyadii dagaalka ayaa loo magacaabay sawirka saxaafada adduunka ee sanadka 2025.

Sawirka, oo ay qaaday sawir qaade Falastiini ah Samar Abu Elouf oo u la shaqaynaysay New York Times, ayaa muujinaya Maxmuud Cajuur oo sagaal jir ah, oo labadiisa gacmood ku waayay duqayn ay Israa’iil ka geysatay magaalada Gaza bishii Maarso 2024-kii.

Abu Elouf, oo Gaza laga soo saaray dabayaaqadii 2023-kii, waxaa ay ku nooshahay isla guri uu deggan yahay Mahmoud oo ku yaalla magaalada Dooxa ee dalka Qatar oo isna halkaas la keenay

Waxay qaaday nolosha dhowr dhaawac oo reer Qasa ah kuwaas oo banaanka dibadda loosoo saaray si loo daweeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here