Jowhar – ( Radio Isnaay )- In ka badan toban kun oo qof ayaa ka qaxay xerada qaxootiga ee ugu weyn Suudaan labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dib markii ay weerar abaabulan ay ku qaadeen xubno ka tirsan ciidamada gurmadka degdega ah.
Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ayaa sheegay in dadka rayidka ah ay ka tageen magaalada Zamzam ee galbeedka gobolka Darfur, waxayna u guureen magaalada Tawila oo – in ka badan todobaatan kiilo mitir u jirta.
RSF waxay sheegtay inay hadda gacanta ku hayaan xerada.
Wararka ku saabsan weerarradan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ku beegan tahay sannad-guuradii labaad ee kasoo wareegtay markii uu billowday dagaalka sokeeye ee u dhexeeya jabhadda RSF iyo ciidammada Suudaan.