Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Lacagta shilinka Soomaaliga ayaa la hirgeliyey sanadkii 1921kii, waxaana si toos ah loo qarameeyey sanadkii 1962kii laba sano ka dib markii laga xuroobay gumeystaha, waxaana tan iyo xilligaas ay soo martay heerar kala duwan hase ahaatee waxay noqotay mid ladayacay kadib burburkii dowladda, lacagta shilinka ayaa laga doorbiday lacago qalaad taasi oo keentay in gobollada qaar aan laga isticmaalin oo ay kasii baxeyso suuqyada dalka balse Jowhar waxa ay ka mid tahay meelaha ay weli ku dambeyso isticmaalkeeda.
waxaa soo jeedinaya : – Nuur Maxamed.