Jadon Sancho Oo Bannaanka Keenay Hal Sir Oo Ka Caawin Karta Chelsea Iney Usoo Baxaan Champions League Xilli Ciyaareedka Dambe

0
10

Jowhar – ( Radio Isnaay ) –  Jadon Sancho: “Lixda kulan ee soo socda, waxay noqon doonaan dagaal. Waxaan u dagaallameynaa booska Champions League-ka, waana mid muhiim noo ah. Kulan kasta waa final laga bilaabo hadda.”

Jadon Sancho ayaa ku booriyay saaxiibadiisa Chelsea inay u wajahaan lixda kulan ee u haray horyaalka Premier League-ka sidii finalo dhab ah, iyagoo dagaal ugu jira sidii ay u xaqiijin lahaayeen ka qaybgalka tartanka Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Chelsea ayaa barbaro 2-2 ah la gashay kooxda halista u ah degitaanka ee Ipswich Town. Kulankaas, Chelsea ayaa qeybtii hore laga dhaliyay laba gool, balse waxay si adag uga soo laabteen qeybtii labaad, waxaana goolka barbaraha u dhaliyay Sancho daqiiqaddii 79aad — isagoo goolkiisii ugu horreeyay tan iyo December dhaliyay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here