Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa canshuuraha dheeraadka ah ka daayay telefoonnada casriga ah, kumbiyuutarrada iyo qalab kale oo elektaronik ah, waxaana ka mid ah canshuuraha 125% ah ee lagu soo rogay alaabaha ka yimaada Shiinaha.
Ogeysiis uu soo saaray guddiga Mareykanka arrimahan u qaabilsan ayaa lagu sheegay in badeecooyinka laga daayay canshuuraha 10% ah ee Trump uu kusoo rogay inta badan dalalka kale iyo gaar ahaanna canshuuraha alaabaha ee lagu soo rogay Shiinaha.
Khubarrada dhaqaalaha ayaa sheegay in tani ay war weyn u tahay shirkadaha teknolojiyadda.
Trump ayaa shalay mar uu u safrayay Miami wuxuu sheegay inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixin doono canshuur dhaafiddan.