Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Liverpool ayaa xaqiijiyay in ay Heshiis Cusub ka saxiixatay xiddiga daafaca uga Ciyaara ee Virgil Van Dijk.
Van Dijk ayaa Mustaqbalkiisa u hibeeyay Liverpool isaga oo qalinka ku duugay Heshiis Cusub oo laba sano ah.
Heshiiska Van Dijk ee Liverpool ayaa dhacayay dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu ugu dambayn Soo afjaray hadal hayntii badnayd ee ku aadanayd Mustaqbalkiisa.
Xiddiga ayaa si Rasmi ah qalinka ugu duugay Heshiiska cusub waxana uu Soo afjaray xantii ku saabsanayd Mustaqbalkiisa.