Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qiimaha Doollarka Mareykanka ayaa hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyey ee uu gaaro muddo 3 sano ah, ka dib hubanti la’aan ka dhalatay canshuuraha madaxweyne Trump ku spoo rogey dunida.
Sida ay muujisey qiimeyn la sameeyey, lacagta Mareykanka ayaa weydey darajadii ay ku dhex lahayd suuqyada caalamka, taas oo loo aneynayo kalsoonidii lagu qabay Doollarka oo luntay, ka dib markii Mareykanka lagu eedeeyey in uu lacagtiisa u adeegsaday hub ahaan.
George Saravelos oo ka tirsan bankiga Jarmalka ee Deutsche Bank ayaa sheegay in jahwareerkii ka dhashay canshuuraha aan loo meel dayin ee Donald Trump uu sababay in inta badan dalalka dunidu ay iska iibiyaan keydkoodi doollarka.
Suuqyada Caalamka aya wada dib u qiimeyn lagu sameynayo mudnaanta Doollarka Mareykanka oo muddo dheer ahaa keyd maaliyadeed iyo maal adag oo dunidu ku tiirsan tahay, waxaana durba billowday dadaallo looga kaaftoomaya ku tiirsanaanta Doollarka.